IEBC oo u baahan miisaaniyad dhan 61.7 bilyan oo shilin

0
361

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa sheegay inuu u baahan yahay in loo qoondeeyo lacag dhan 61.7 bilyan oo shilin oo lagu maareyn doono codeynta waddanka ka qabsoomaysa sanadka 2027-da.
Waxaa sidatan maanta baarlamaanka u sheegay ku xigeenka madaxa fulinta ee IEBC Obadiah Keitany.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in miisaaniyadda guddiga ee jaangoynta soodhimaha ay tahay 7 bilyan in kastoo ay weli maxkamadda ka sugayaan talo.
Waxaa uu Keitany sheegay in ay saadaalinayaan 5.7 milyan oo codbixiyeyaal cusub ah si marka la gaaro doorashada guud ee 2027-da ay tirada codbixiyeyaasha diiwaangashan u noqoto 28 milyan oo qof.
IEBC ayaa intaasi ku dartay in aan weli la dhameystirin doorashooyin ku celis ah oo gaaraya 14 oo ay maareyntooda ku baxaysa qiyaastii 480 milyan oo shilin.
Sidoo kale , guddigan ayaa sheegay in agabka maareynta macluumaadka doorashooyinka ee (KIEMS) oo dhan 45,352 loo baahan yahay in la beddelo.
Waxaa qalabkan lagu aqoonsadaa codbixiyeyaasha.
Guddiga ayaa laga soo xigtay in aan la beddeli doonin 14,000 oo qalabkan ka mid ah oo la soo iibiyay sanadkii 2022.
Agaasimaha maaliyadda ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC Cismaan Ibraahim ayaa sheegay in tirada guud ee agabka KIEMS ee ay u baahan yihiin ay tahay 59,352.
IEBC ayaa intaasi ku dartay in tan iyo sanadkii 2022-kii aynan diiwaangelin codbixiyeyaal cusub maadaama aynan miisaaniyad u hayn saraakiisha sare.
Waxay tani imaanaysa iyadoo hadda lagu howlan yahay geeddisocodka lagu shaqaaleysiinaya mas’uuliyiinta sare ee IEBC.