DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in ay go’aansadeen inay wada shaqeeyaan mucaaradka

0
390

Madaxweynaha dalka William Ruto oo shalay xarunta madaxtooyada yar ee State House ee ismaamulka Mombasa kula kulmay hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inuu go’aansaday wada shaqeyn kala dhexeynaysa mucaaradka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in laga soo gudbay arrimihii doorashada sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la iska kaashado midnimada.
Waxaa uu soo hadal qaaday maamulka dowladeed ee ay ka mid yihiin xubno horay uga tirsanaa mucaaradka oo hadda wasiirro ah.