Militariga Israa’iil ayaa Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin ka wado howlgallo ballaaran.
Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ay ciidamadu adeegsanayaan xeelado dagaal oo la mid ah kuwii Qaza iyagoo burburiyay qaybo badan oo ka mid ah xerada qaxootiga ee Jenin.
Waxay intaasi ku dareen in saraakiisha ay isku diyaarinayaan dhisidda saldhig militari.
Dhanka kale , dhakhaatiirta Qaza ayaa sheegay in saddex carruur oo dheeraad ah ay u geeriyoodeen qabow saaid ah oo halkaasi ka jira.
Waxay Israa’iil ku eedeyeen in ay hor istaagtay in teendhooyin iyo hooy ku meel gaar ah la gaarsiiyo Marinka Qaza.