Gachagua oo sheegay inuu diyaar u yahay in ay Raila wada shaqeeyaan

0
369

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua oo xalay wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxalliga ee KTN ayaa sheegay in uunan wax dhibaato ah ku qabin la macaamilka Raila Odinga ka hor doorashada guud ee sanadka 2027 –ka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu garabsinaya siyaasi kasta oo sida uu hadalka u dhigay uu ku wayn yahay aayaha kenyaanka.
Rigathi Gachagua ayaa intaasi ku daray inuu shacabka gobolka Nyanza u sheegaya in dadweynaha bartmaha Kenya aynan wax caddaawad ah u hayn Mr. Odinga.
Waxaa uu sheegay in hadda ay wada shaqeynayaan isaga iyo madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhiggiisa DAP-K Eugene Wamalwa iyo cid kasta oo ay wadaagaan aragti siyaasadeed oo isku mid ah.
Gachagua ayaa xusay in Raila uunan ka dambeyn qorshihii isaga looga xayuubiyay xilka madaxweyne ku xigeenka qaranka.