3 nin oo ku dhintay ismaamulka Siaya

0
320

Waxaa la xaqiijiyay in xalay fiidkii ay dhinteen saddex ka mid ah macdan qodotada tuulada Rera ee deegaanka Gem ee ismaamulka Siaya.
Tani ayaa timid ka dib markii ay goobta laga soo saaro macdanta soo duntay xilli ay dadkan ku dhex jireen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in macdan qodotada ay saacado halkaasi ku xannibnaayeen oo markii ay tageen kooxaha samatabixinta la arkay meydadkooda.
Barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo iyo xildhibaanka deegaanka Rarieda ,Otiende Amollo, ayaa dadka macdanta soo saara ku boorriyay in ay mudnaanta koowaad siiyaan xaqiijinta badqabkooda.
Si kastaba ha ahaatee, Orengo ayaa dowladda ku eedeyay in ay ku guul darreysatay in ay dhaqangeliso xeerar ku aaddan wanaajinta nolosha macdan qodotada.