Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa ka falceliyay eedeyn uu shalay madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua uu u jeediyay hoggaamiyaha qaranka William Ruto.
Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Meru hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha uu isku dayaya in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxa waaxda cadaaladda dalka garsoore Martha Koome.
Hasa ahaate, Kindiki ayaa sheegay in Gachagua uu iska fududeysanaya dacwadaha laga gudbiyay garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ee ay Koome ka midka tahay.
Waxaa uu xusay in xil ka qaadista garsooraha aysan ahayn arrin siyaasadeed mise mid qowmiyadeed.
Waxaa uu cid kasta oo dowladda dhaliilsan ka codsaday in ay doodeeda ku saleyso habraacyada dastuuriga ah.