Wasiirka wasaaradda deegaanka , kaymaha iyo isbeddelka cimillada ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ugu baaqay in aynan faragelin ganacsiga hooyooyinka wax ku iibiya suuqa qorraxey ee magaaladaasi.
Wasiir Ducaale ayaa guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Garissa Maxamad Mwabudzo ugu baaqay in uunan oggolaan in hooyooyinka meeshaasi laga wareejiyo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha dalka William Ruto ay inta badan u codeeyeen ganacsatada yaryar.
Ducaale ayaa xildhibaanka deegaanka Garissa Township Major Deeqow Maxamad Barrow iyo siyaasiyiinta kale ku boorriyay in ay arrintan kala tashadaan barasaabka Garissa Nathiif Jaamac si xaaladdan loo xalliyo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha Garissa uu ganacsatadan ugu baaqay in ay u wareegaan suuqa cusub ee loo dhisay si xal loogu helo ciriiriga isku socodka ee ka jiro suuqa qorraxeey.