Xamaas oo shardi ku xirtay ka qayb galka wada hadallada xabbad joojinta

0
249

Mas’uul sare oo ka tirsan ururka Xamaas ee dalka Falastiin oo lagu magacaabo Mahmoud Mardawi ayaa sheegay in aynan sii wadi doonin ka qayb qaadashada wada hadallada ku saabsan heshiiska xabbad joojinta.
Waxaa uu shardi ka dhigay in Israa’iil ay soo dayso 620 maxaabiis ah oo u dhashay Falastiin.
Maxaabiistan ayaa lagu waday in ay xurriyadooda dib u helaan Sabtidii balse taasi ayaan laga dhabeyn sidii uu heshiisku ahaa.