Dowladda ismaamulka Nairobi oo doonaysa in lala wareego meydad aan la sheegan

0
679

Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa sheegtay in ay jiraan meydad gaaraya ugu yaraan 236 oo aynan cidna weli sheegan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in meydadkan la aasi doono haddii aan 7 cishe gudaheeda lagula wareegin.
218 oo meydadkan ka mid ah ayaa yaalla xarunta meydadka la dhigo ee Nairobi City Mortuary halka 18 kale ay yaallaan qaybta meydadka ee Mama Lucy Kibaki Funeral Home.
Waxay meydadkan isugu jiraan 217 rag ah iyo 21 dumar ah.