Kenya oo difaacday marti gelinta RSF

0
801

Dowladda talada haysa ayaa difaacday munaasabadii saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ee dalka Suudaan ay dhawaan ku qabteen magaalada Nairobi in kastoo dowladda Suudaan ay taasi cambaareysay.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabada ay Kenya qaadday ee lagu dhaliilay ay tahay mid waafaqsan doorka ballaaran ee ay ku leedahay wada xaajoodyada nabadeed.
Waxaa uu intaasi raaciyay in Kenya ay muujinaysa sida ay uga go’an tahay in Suudaan lagu taageero helidda xal siyaasadeed oo lagu soo afjaraya isku dhacyada ka jira.
Mudavadi ayaa xusay in hadda aynan ahayn markii ugu horreysay ee kooxaha Suudaan ay xal raadiyaan iyagoo ka faa’iidaysanaya xafiisyada dalalka dariska la ah.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in bishii Koowaad ee sanadkii 2024-kii , dhinacyada isku haya Suudaan iyo daneeyayaasha kale ay ku kulmeen dal daris ah oo uunan magacdhawin.
Bayaanka wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya waxaa ku cad in saraakiisha sida militariga u tababaran ee (RSF) iyo ururrada bulshada rayidka ah ee dalkaasi oo qorsho hoggaamineed ku soo bandhigay Nairobi ay la jaanqaadeysa doorka wada hadallada nabadeed ee Kenya.
Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay diyaar u tahay in ay dhinacyada isku haya hoggaaminta Suudaan ay siiso madal xal raadin ah iyadoo aan dhinac la safan.
La –taliyaha dhanka sharciga ee taliyaha RSF , Ezzeldin Al Safi ayaa dhankiisa caddeeyay in munaasabadii ay Talaadadii ku qabteen magaalada Nairobi aynan ku saabsanayn soo dhisidda maamul dowladeed oo barbar socda midka ka jira Suudaan sidii la soo tabiyay.
Waxaa uu xusay in kulanka uu la xiriiray soo jeedinta siyaabo degdeg ah oo lagu xallin karo waxyaabaha ay salka ku haysa colaadda kala dhexeysa militariga si ugu dambeyn looga gudbo isku dhacyada.
Ezzeldin oo tilmaamay in ay Suudaan dib ugu laaban doonaan marka uu waqtiga u saamaxo ayaa caddeeyay in hoggaanka RSF aynan Kenya ugu sugnayn in ay soo dhisaan maamul dowladeed.
Jawaabta wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Musalia Mudavadi ayaa timid saacado un ka dib markii dowladda Suudaan ay Kenya ku eedeysay faragelinta gobonnimadeeda iyo arrimaheeda gudaha.