Wargayska Times of Israel ayaa qoray warbixin la xiriirta in ciidamada militariga ee Israa’iil ay xalay marinka Qaza ku tuureen 122 bambooyin ah.
Falkan ayaa dhacay 25 daqiiqo gudahood.
Weerarrada ayaa billowday 10-kii habeenimo waxaana lagu bartilmaameedsaday marin ku yaalla dhulka hoostiisa oo ay leedahay kooxda Xamaas.
Waxaa arrimahan warbaahinta u sheegay afhayeenka militariga Israa’iil Hidai Zilberman.