Ciidamada booliska ee Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta ku dhigeen 21 qof oo Falastiiniyiin ah kuwaasoo dibadbaxyo ka dhigayay degmooyinka ku hareereysan daanta galbeed.
Wakaaladda wararka ee Wafa ayaa qortay in saddex ka mid ah dadkan laga qabtay magaalada Hebron, saddex lagu xiray Nablus, saddex kale Jenin iyo afar gacanta lagu dhigay iyaga oo ku sugan magaalada Bethlehem.