Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in ay si buuxda dib ugula wareegtay maareynta baraheeda bulshada ee Facebook-ga iyo X.
Tani ayaa timid ka dib muddo kooban oo lagu bartilmaameedsaday weerar dhanka intarneetka ah.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in dhibaatadan ay dhacday xalay fiidkii hasa ahaate ay shacabka u xaqiijinaysa in hadda ay si buuxda gacanta ugu hayso baraheeda.
Intii ay arrintan taagnayd , waxaa baraha DCI-da lagu soo daabacay xog ay waaxda ku tilmaantay mid faalis oo marin habaabin ah.
Waaxda dambi baarista dalka ayaa sheegtay in la billaabay baaritaan ku aaddan dhacdadaasi si tallaabo sharciyeed looga qaado cidii ka dambeysay .