Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa shaaciyay inuu xisbi cusub soo bandhigi doono bisha Shanaad ee May ee sanadkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xisbigan uu yahay mid leh dastuur wanaagsan oo la doonaya in loo adeegsado sidii 2027-da hoggaanka qaranka loogala wareegi lahaa madaxweyne William Ruto.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in xisbigan lagu soo bandhigi doono ismaamulka Nairobi.
Hasa ahaate waxaa uu ka gaabsaday inuu shaaciyo magaca xisbiga isagoo tilmaamay in aynan doonayn in geeddisocodkan la carqaladeeyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay dhammaan kenyaanka soo dhaweyn doonaan si ay xubno uga noqdaan xisbiga.
Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay hoggaanka xisbiga madaxweynaha ee UDA isagoo xusay in siyaasad ahaan la khiyaanay in kastoo uu door wayn ku lahaa guusha maamulka Kenya Kwanza.
Rigathi Gachagua ayaa wareysi uu bixiyay ku cadeeyay in shacabka gobolka Bartamaha dalka aynan doorashada xigta taageeri doonin madaxweynaha dalka.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa tilmaamay in ay si rasmi ah uga bixi doonaan xisbiga talada dalka haya ee UDA.