Ugu yaraan 71 qof oo lagu dilay Qaza

0
206

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay weerarro ay Israa’iil ka fulisay Waqooyiga iyo Koonfurta Qaza ee dalka Falastiin .
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in la dilay ugu yaraan 71 qof.
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in duqeymahan oo dhacay ka hor intii uunan saaka waaga baryin , dadka ku nafwaayay ay ka mid yihiin carruur iyo haween.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in Israa’iil ay dishay 436 Falastiiniyiin oo ay ka mid yihiin 183 carruur ah tan iyo markii ay Talaadadii burisay heshiiskii xabbad joojinta.
Tirada guud ee Falastiiniyiinta lagu dilay Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayaa ah ugu yaraan 49,547 halka la dhaawacay 112,719 kale.