Waxaa marinka Qaza lagu dilay wariye lagu magacaabo Yusef Abu Xuseen oo ka howlgalayay idaacadda Al-Aqsa Voice.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo duqeymaha Israa’iil ay weli halkaasi ka socdaan.
Wakaaladda wararka ee Wafa iyo Shehab ayaa soo tabinaya in ninkan uu yahay qofkii afaraad ee u dhashay Falastiin ee Qaza lagu dilay saacadihii ugu dambeeyay.