Xoghayaha arrimaha gudaha ee dalka oo baaq diray

0
275

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa ka digay dulqaad la’aanta siyaasadeed iyo rabshado dhawaanahan ka dhacayay qeybo ka mid ah ismaamulka Homa Bay.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto dambiilayaasha.
Isagoo ka hadlayay dugsiga hoose ee Sasi ayuu Omollo waxaa uu hoggaamiyeyaasha kula taliyay inay diiradda saaraan bixinta adeegga bulshada.
Raymond Omollo oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in ka wasaarad ahaan aysan dhiirri gelin doonin colaad, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan hoggaamiye kasta oo lagu helo inuu qalalaaso siyaasadeed ka wado gobolka.
Waxaa uu ku boorriyay dhallinyarada ku nool Homa Bay in aysan oggolaan in siyaasiyiinta ay u adeegsadaan inay rabshado ka sameeyaan meelaha ay isugu yimaadaan.
Dhinaca kale, xoghayaha ayaa waalidiinta ka codsaday inay xaqiijiyaan habsami u socodka ardayda u fariisatay fasalka afaraad ee dugsiga sare ee sanadkii la soo dhaafay si ay ugu gudbaan machadyada tacliinta sare.
Waxaa uu u soo jeediyay ardayda aan helin dhibcaha jaamacadaha in ay iska diiwaan galiyaan machadyada farsamada gacanta si ay u bartaan xirfado gaar ah.