Canug yar oo noolal lagu aasay ismaamulka Makueni

0
296

Ilmo yar oo hal maalin dhallan ayaa isaga oo nool la helay kadib markii lagu aasay tuulada Kwa Nyunyi ee ismaamulka Makueni.
Ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka tuuladaasi Francis Kaluma, ayaa qoyska ku amray inay soo saaraan meydka canugga ka dib markii ay deriska ku soo wargaliyeen.
Ilmahan yar ayaa isla markiiba la geeyay isbitaalka Suldaan Xaamud si xaaladdiisa caafimaad loola tacaalo, hase yeeshee waxaa uu si murugo leh u dhintay subaxnimadii saaka.
Hooyada dhashay canuggan oo ay weheliso ayeeyada ayay booliska xireen, waxayna hadda ku jiraan saldhiga booliiska ee Salama.
Waxaa ay sugayaan in maxkamad la soo taago si loogu soo oogo dacwad la xiriirta dhimashada ilmaha yar iyo sida sharci darrada ah ee loo aasay.
Dhacdadan ayaa qeylo dhaan ka dhalisay bulshada iyadoo lagu baaqay in wax laga qabto kiisaska dayaca iyo xadgudubka carruurta.
Maamulka deegaanka ayaa wacad ku maray in ay u cadaalad falayaan ubadka iyaga oo ku boorriyay dadka deegaanka in ay soo sheegaan wax kasta oo ay ka shakiyaan ee ku saabsan daryeelka carruurta.