Guddoomiyaha ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya ayaa dhaliilay go’aankii uu dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto uu meesha uga saaray turxaan bixintii dheeraadka ahayd ee la marin jiray shacabka ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari marka ay codsadaan aqoonsiga qaran.
William Ruto ayaa sheegay in arrintaasi ay ahayd takoor jiray ilaa 60 sano oo uu soo afjaray.
Hasa ahaate George Natembeya oo horay u soo noqday isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley ayaa ku doodaya in tallaabadaasi ay ka dhalan karto khatar amni oo aan laga fiirsan.
Home Wararka Kenya Natembeya oo dhaliilay in meesha laga saaray turxaan bixintii dheerayd ee shacabka...