Xerada qaxootiga ee Tubas oo go’doonsan maalinkii 8-aad

0
236

Militariga Israa’iil ayaa maalintii siddeedaad sii wada go’doominta xerada qaxootiga ee koonfurta Tubas ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay dhanka xerada Far’a laga soo billaabo kontaroolka Xamra, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee WAFA.
WAFA ayaa xustay in ciidamada Israa’iil ay sii wadaan burburinta kaabayaasha iyo hantida gaarka ah ee deegaanka.
Weerarrada ka dhanka ah guryaha muwaadiniinta iyo su’aallo weydiinta ayaa sidoo kale socda, maalin kadib markii askarta Israa’iil ay ku qasbeen tobonaan qoys inay barakacaan, iyadoo qaarkood ay hadda gabbaad ka dhigteen dugsiyada.
Ugu yaraan 8 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu xiray xerada Far’a ilaa hadda.
Dhinaca Kale ciidamada Israa’iil ayaa ka baxay aagga militariga ee kala barayay Qaza oo loo yaqaano Waddada Netzarim waxayna dib ugu laabteen ilaa aagga difaac ee ay Israa’iil ka samaysay xuduudda bari ee Marinka.
Militariga Israa’iil ayaa sii ballaariyay weerarrada ay ku hayaan Daanta Galbeed ee la haysto, halkaasoo ciidamadooda ay ku weerareen xerada qaxootiga ee Nuur Shams.
Waxaa ay rasaas ku fureen qoys Falastiini ah oo xerada ku sugnaa, waxayna dileen haweeney uur 8 bilood leh ninkeedana dhaawac halis ah ayay u gaysteen.
Tan iyo markii heshiiska xabbad joojinta Qaza lagu dhawaaqay bishii hore, Israa’iil ayaa kordhisay dardarta iyo xoojinta weerarrada ay ka geysanayso Daanta Galbeed ee la haysto iyo gaar ahaan waqooyiga dhulkaas, iyadoo in ka badan 26,000 oo Falastiiniyiin ah ka barakicisay guryahoodii Jenin iyo Tulkarem.