Madaxweynaha qaranka iyo xulafadiisa ayaa weerarro cusub kala kulmayo dadka ka soo horjeedo maamulka Kenya Kwanza kadib markii ay maxkamadda sare ee dalka ku dhawaaqday in xisbiga UDA uunan lahayn aqlabiyadda baarlamaanka.
Saddex garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare oo kala ah John Chigiti, Lawrence Mugambi iyo Jairus Ngaah ayaa xukunkooda ku shegeen in go’aankii guddoomiyaha barlamaanka waddanka Moses Wetangula ee 6-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii uu ahaa mid dastuurka dalka aan waafaqsaneyn.
Waxaa hadda isa soo tarayaa hadalo lagu boorrinayo xubnaha ka tirsan Azimio in ay billaabaan sidii madaxweynaha dalka xilka looga xayuubin lahaa ka hor doorashada 2027.
Jimi Wanjigi oo ka mid ah dadka aadka u dhalleeceya dowladda talada dalka hayso ayaa ugu baaqay xildhibaannada Azimio in ay fursaddan ka faa’iidaystaan oo ay soo afjaraan muddo xileedka William Ruto ka hor inta aysan dhamaan 5-tiisa sano ee madaxweynennimo.
Dhinaca kale ,Barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa kula taliyay xulafada ODM in aysan dowladda heshiis la galin oo ay qataan doorkooda ay maxkamadda u soo dhicisay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in go’aanka maxkamadda uu caddayn buuxdo u yahay in doorashadii dalka ka dhacday bishii 8-aad ee sanadkii 2022-kii ay ahayd mid aan xor iyo xalaal ahayn.