Trump oo xayiraad ku soo rogay Koonfur Afrika

0
247

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne oo xannibaya in caawimaad dhaqaale la siiyo dalka Koonfur Afrika.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu sidatan ku hanjabay.
Trump ayaa go’aanka uu qaatay u aaneeyay in dowladda Koonfur Afrika ay soo saartay xeer cusub oo dhanka dhulalka ah kaasi oo sida uu hadalka u dhigay ku xadgudbaya xuquuqda dadka.
Sidoo kale waxaa uu ku dhaliilay in ay maxkamadda caalamiga ee ICC-da gaysay dacwad la xiriirta xasuuq shacab oo ka dhan ah Israa’iil.
Trump ayaa dowladda Koonfur Afrika ku eedeyay in ay dad dhul kala wareegaysa oo shakhsiyaad gaar ah loola dhaqmay si aad u xun.
Hasa ahaate Koonfur Afrika ayaa tani cambaareysay waxayna ku tilmaantay olole ku saleysan xog khalad ah iyo dacaayad la doonaya in sawir aan sax ahayn looga bixiyo qarankaasi.
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Koonfur Afrika ayaa sheegtay in tallaabada Trump ay tahay mid aan lagu garowsan taariikhdii dhibka badnayd ee ay ka soo mareen guumeysiga iyo midib-takoorka.