Maxkamad militari oo ku taalla Israa’iil ayaa sarkaal difaac ku xukuntay xabsi ah 7 bilood.
Tani ayaa timid ka dib markii uu askarigan qirtay inuu si xun u dhibaateeyay Falastiiniyiin xabsiga lagu hayay.
Xabsiga xadgudubkan laga soo tabiyay oo loo yaqaano Sde Teiman ayaa ku yaalla xadka Israa’iil iyo Qaza sida ay militariga sheegeen.
Militariga ayaa intaasi ku daray in sarkaalka uu marar badan feeray maxaabiista , inuu hubkiisa u adeegsaday iyagoo gacmaha iyo indhahaba ka xiran.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhibaateyntan ay goobjoog u ahaayeen ciidamo kale oo militari kuwaasi oo xukmanaha ugu baaqay inuu xadgudubka joojiyo oo xita ficilladiisa lagu duubay taleefoon.
Maxkamadda ayaa laga soo xigtay in ay jireen ciidamo kale oo wajiyada xirtay oo tacaddiga ka qayb qaatay balse aan weli la aqoonsan.
Waxay maxkamaddu sheegtay in ficillada askariga la xukumay ay ahaayeen kuwo daran maadaama uu ku tagriifalay awoodiisa ciidan oo muddo ka badan 3 bilood uu indhaha ka xiray maxaabiista.
Bishii Tobnaad ee sanadkii 2024-kii ayay ahayd markii guddi matalaya qaramada midoobay oo baaritaan sameeyay uu sheegay in kumanaan maxaabiis ah oo lagu hayay xarumaha iyo saldhigyada militari ee Israa’iil in loo gaystay tacaddi baahsan.
Guddiga ayaa falalkaasi ku tilmaamay dembiyo dagaal iyo jirdilka dhan ah aadanaha.
Israa’iil ayaa dhankeeda eedeymaha ku micnaysay kuwo aan la qaadan karin waxayna intaasi ku dartay in ay si buuxda ugu hoggaansanto hal-beegyada xeerarka caalamiga ee ku saabsan qaabka loola dhaqmo maxaabiista.
Militariga Israa’iil ayaa si cad u sheegay inuu beeninaya in goobaha lagu hayo maxaabiista Falastiin iyo saldhigyada militari ay ka dhaceen gaboodfallo joogto ah oo ay ka mid tahay tacaddi galmo.