Madaxweynihii hore ee Namibia oo geeriyooday

0
245

Sam Nujoma, oo ahaa halgamaagii iyo hoggaamiyihii jabhadda ee noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto ee dalka Namibia ka dib markii ay xornimadeeda ka qaadatay dowladii midab-takoorka Koonfur Afrika, ayaa geeriyooday Sabtidii isagoo 95 sano jir ah.
Waxaa warbixintan maanta shacabka Namibia iyo dadka kale ee qaaradda Afrika la wadaagtay Madaxtooyada Namibia.
Nujoma ayaa noqday madaxweynaha Namibia 21-kii bishii saddexaad 1990-kii, waxaana si rasmi ah loogu aqoonsaday inuu yahay “Aabaha Aasaasiga ah ee Qaranka Namibia” iyada oo loo marayo tallaabo baarlamaan sanadkii 2005-tii.
Madaxtooyada dalkaasi ayaa carrabka ku adkeysay in Nujoma uu isbitaalka u jiifay xaalad caafimaad saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.
Sam Nujoma ayaa ka tagay xaaskiisa oo lagu magacaabo Kovambo Nujoma iyo wilkooda Utoni Nujoma.