Dibadbaxayaasha Bangladesh oo gubay guriga aabaha Sheekh Xasiina

0
463

Waxaa lagu soo warramayaa in kumanaan dibadbaxayaal ah ay dab qabadsiiyeen hooyga aabaha ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Sheekh Xasiina.
Tani ayaa timid ka dib markii haweeneydan ay taageerayaasheeda ugu baaqday in ay ka soo horjeestaan maamulka ku meel gaarka ah.
Bangladesh oo ay ku nool yihiin ilaa 170 milyan oo qof ayaa waxaa ka taagan dhibaatooyin siyaasadeed tan iyo markii bishii 8-aad ee sanadkii hore ay Sheekh Xasiina dalkaasi iskaga carartay oo ay tagtay India waxaana dibadbaxyada ku nafwaayay in ka badan 1,000 qof.