Madaxweynaha dalka oo kormeeray dhisidda waddo isku xiraysa Lamu ilaa Mandera

0
530

Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta gaaray degmada Garbatula ee ismaamulka Isiolo ayaa sheegay in la isku furi doono qaybaha kala duwan ee waddanka gaar ahaan fulinta kaabayaasha mashaariicda.
Ujeedda arrintan laga leeyahay ayuu ku sheegay dardargelinta arrimaha ganacsiga ee gobolka si dhaqaalaha loo kobciyo.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in la fududeynaya isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka halka la wanaajin doono helidda adeegyada muhiimka ah.
Ruto ayaa maanta kormeeray halka uu maraya dhisidda marinka loo yaqaano LAPSSET oo ah ilaa 257 kiiloomitir oo isku xiraya Lamu-Ijara-Garissa.
Sidoo kale , waxaa uu daahfuray in laami laga dhigo waddooyinka Isiolo–Kulamawe iyo Kulamawe–Modogashe.
Madaxweynaha ayaa xusay in ay qasab tahay in la xoojiyo midnimada qaran iyadoo si cadaalad ah loo qaybsanaya raasimaalka dalka oo aan gobol gaar ah lagu takoorin dhanka horumarka.
Waxaa uu xusay inuu wada hadal la yeeshay madaxda iyo waxgaradka ismaamulka Garissa oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida helidda cunnada , guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo ee ay dowladda dhisaysa iyo horumarinta kaabayaasha gobolka.