Wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta ee dalka ayaa digniin u dirtay shacabka doonaya in ay fursado shaqo ka helaan dibadda.
Waxay wasaaraddu dadkan kula talisay in ay aad u feejignaadaan.
Waxay sheegtay in horay loogu soo gudbiyay cabashooyin ku aaddan dad la dhacay iyagoo laga dhaadhicyay in loo sameynaya dal ku galka iyo dokumeentiyada kale ee safarka.
Wasaaradda ayaa bayaan ku sheegtay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu helo farsamooyinka lagu khiyaano dadka shaqo doonka ah.
Waxay ku celcelisay in la iska xaqiijiyo fursadaha shaqo ee la sheego in ay ka bannaan yihiin dibadda waddanka.
Home Wararka Kenya Wasaaradda arrimaha dibadda oo u digtay kenyaanka shaqooyinka ka raadsanaya qurbaha