Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta safar ku tagay ismaamulka Mandera ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii deegaannada gobolka Waqooyi Bari ay kuwa kale ee waddanka uga dambeyn jireen dhinaca horumarka.
Madaxweynaha ayaa xilli uu hadal ka jeedinayay machadka tababarka macallimiinta ee Mandera sheegay in berri uu guddoomin doono munaasabad ballaaran oo meesha looga saaraya turxaan bixinta la mariyo shacabka gobolka marka ay codsanayaan aqoonsiga qaran iyo baasaboorka.
Waxaa uu u mahadceliyay ardayda macallinnimada ka baranaya machadkaasi isagoo sheegay in dadweynaha gobolka ay doonayaan in xal loo helo caqabadda macallimiin yarida ay lagama maarmaan tahay in ardayda Waqooyi Bari ay ku dhiirradaan barashada macallinnimada.
William Ruto ayaa sidoo kale sheegay inuu ku dadaalaya xoojinta midnimada kenyaanka wuxuuna dhaliil u jeediyay dhinacyada isku dayaya in ay dadweynaha ku kala qaybiyaan qabyaalad iyo waxyaabo kale isagoo sheegay in ay kuwaasi guul darreysan doonaan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka William Ruto uu berri gaaro ismaamulka Wajeer ka hor inta uunan u sii gudbin Garissa oo uu Khamiista ku guddoomin doono shirka golaha wasiirrada.
Maalinka Jimcada ayaa la qorsheynaya in madaxweynaha uu safar ku tago ismaamulka Isiolo.
Dhanka kale ,barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa sheegay in madaxda ay yeesheen kulan ay uga arrinsanayeen soo dhaweynta madaxweynaha dalka.