Musalia Mudavadi oo walaac ka muujiyay goob xalay la duntay macdan qodoto

0
181

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa walaac ka muujiyay dhacdo abaare 7-dii fiidnimo ee xalay laga soo tabiyay deegaanka Shinyalu ee ismaamulka Kakamega.
Tani ayaa timid ka dib markii ay halkaasi ku duntay goob macdanta laga soo saaro oo ay ku xannibmeen ugu yaraan 12 macdan qodoto ah.
Mudavadi oo bayaan soo saaray ayaa kooxaha samatabixinta ku boorriyay in ay sameeyaan dadaal kasta si dadka halkaasi ku xayiran loo soo badbaadiyo.
Waxaa uu Musalia hoosta ka xarriiqay in la soo badbaadiyay 8 qof oo ka mid ahaa 12-ka ruux wuxuuna ku baaqay in mudnaanta la siiyo xaqiijinta badqabka.