Maxkamadda ugu sarreysa dalka oo berri soo saari doonto go’aan ku aaddan aasaasidda deegaanno dheeraad ah

0
417

Waxaa la filayaa in maxkamadda ugu sarreysa waddanka ee Supreme Court ay berri oo Isniin ah go’aan ka soo sarto in dalka uu yeelan karo deegaan barlamaaneed cusub ka hor doorashada guud ee 2027.
Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome iyo 6-da xaakin ee kale ee maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan talobixin uu doonayo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Cabdiqaadir Maxamad oo ah qareen ku takhasusay arrimaha dastuurka ayaa sheegay in IEBC aysan haysan wax ikhtiyaar ah oo aan ka ahayn in ay dib u eegis ku sameeyaan xuduudaha taasoo keeni karta in 27 deegaan doorasho la baabi’iyo ka hor doorashada guud ee 2027.
Guddiga doorashooyinka oo aan weli lahayn saraakiil sare ayaa sheegay inaysan waxbo ka qaban karin arrintan taasoo dalka galisay qalalaase dastuuri ah.
IEBC ayaa maxkamadda ugu sarreysa qaranka u gudbisay codsi ah in ay ahayd in la soo gabagabeeyo dib u eegista xuduudaha 6-dii bishii Saddexaad ee sanadkii hore sida uu dastuurka dhigayo.
Waxaa uu guddigan hadda doonaya in maxkamadda ay ka soo talo bixiso in IEBC ay guda geli karto hannaanka dib u eegista xuduudaha doorashada iyo hababka kale ee codeynta iyadoo aan la soo dhameystirin magacaabidda saraakiisha sare ee guddiga .
Garyaqaan Cabdiqaadir Maxamad ayaa carrabka ku dhuftay in hannaanka dib u eegista xuduudaha ay tahay shuruud dastuuri ah oo guddiga uusan ka weecan karin.
Dhanka kale, wasiirka wasaaradda deegaanka,kaymaha iyo isbeddelka cimillada ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in marka la sameynaya dib u eegista xuduudaha ay dalbayaan in deegaannada Ijara ee Garissa iyo Koonfurta Wajeer la kala gooyo oo deegaankiiba labo laga dhigo.