Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Sabtidii ku dhawaaqay canshuuro ballaaran oo uu ku soo rogayo ganacsiyada waaweyn ee Canada, Mexico iyo Shiinaha.
Waxaa uu ku andacooday dalalkan in ay Mareykanka ku yihiin khatarta weyn ee dhinaca socdaalka sharci darrada ah iyo daroogooyinka.
Dhoofinta alaabta Canada iyo Mexico ee Mareykanka ayaa wajihi doontaa canshuur dhan 25 boqolkiiba laga billaabo Talaadada soo socota in kasta oo ilaha tamarta ee Canada ay yeelan doonaan canshuur hoose oo ah 10 boqolkiiba.
Badeecooyinka ka yimaada Shiinaha, kuwaas oo horey u wajahay heerar kala duwan oo canshuur ah ayaa la saari doonaa boqolkiiba 10.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xusay in khatarta aan caadiga ahayn ee ka imaanaysa soogalootiga sharci darrada ah iyo daroogooyinka ay sababeen in lagu dhaqaaqo xaalad degdeg ah oo qaran.
Madaxtooyada looga taliyo Mareykanka ayaa intaasi ku dartay in ujeeddada ay tahay in dhammaan saddexda waddan lala xisaabtamo ballanqaadkooda ahaa in ay joojiyaan socdaalka sharci darrada ah iyo daroogooyinka kale ee ku qulqulaya gudaha dalkaasi.