Isaac Mutuma M’Ethingia, oo soo ahaa gudoomiye ku xigeenka ismaamulka Meru tan iyo 2022 ayaa maanta la wareegaya xilka baarsaabka ee dowlad deegaankaasi.
Tani waxay daba socotaa xil-ka-qaadistii Guddoomiye Kawira Mwangaza ee uu Senatku ansixiyay sanadkii hore 2024-kii , iyadoona maxkmadda ay 14-kii bishan taageertay xil ka xayuubinta Mwangaza.
Isaac Mutuma ayaa maanta oo isniin ah lagu dhaarin doona garoonka Mwendantu .
Bishii Agoosto ee sanadkii hore 26 senator ayaa u codeeyay in Mwangaza lagu soo oogo eedeymo ay ka mid yihiin anshax-xumo weyn iyo ku xadgudub dastuurka iyo sharciyo kale.
Tani waxay ahayd mooshinkii saddexaad ee xil ka xayuubinta Mwangaza ee la horgeeyo Senatka.