Maanta oo la filaya in la xiro waddada City Hall ee magaalada Nairobi

0
46

Waxaa maanta oo isniin ah la filayaa in si ku meel gaar ah loo bilaabo in loo xiro Waddada City Hall inta u dhexeysa wareega waddadaas iyo Parliament road sida uu xaqiijiyay .Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja .
Xiritaankan ayaa dhici doonaa inta u dhaxaysa 17-ka March oo maanta oo isniin ah ku beegan ilaa iyo 20-ka March waxana loo ogolaan doonaa isu diyaarinta ciyaaraha ka xeenta baabuurta ee WRC Safari Rally.
Bayaanka ayaa sidoo kale ku booriyay dareewaliinta isticmaalaan waddadan inay maraan waddooyin kale.
Waxaa kale oo loogu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-gelyada waddooyinka oo la geyn doono aagga si ay wax uga qabtaan isu socodka gaadiidka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo xarrunta dhexe ee ganacsiga ee Nairobi ay soo wajahdo hakad weyn oo isu socodka dadka iyo gaadiidka si loogu qabto munaasabadaha ciyaaraha