Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamullada Machakos, Kitui iyo Makueni ee bariga waddanka ayaa wacad ku maray in ay toddobaad ka dib hoggaamin doonaan bannaanbax haddii aynan dowladdu caddeyn cidii ka dambeysay afduub 4 dhallinyaro ah loogu gaystay Mlolongo ka dibna la helay meydadka labo ka mid ah dadkaasi.
Barasaab ku xigeenka ismaamulka Machakos Francis Mwangangi ayaa sheegay in afduubka uu ka mid yahay dembiyada ka dhanka ah xuquuqda caalamiga ee aadanaha.
Waxaa uu su’aal geliyay sida ay ku dhici karto in ay weli afduubyo jiraan iyadoo madaxweynaha qaranka William Ruto uu ballan qaaday in falalkan la joojinaya.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo siyaasiyiin kale ayaa la kulmay qoysaska Martin Mwau iyo Justus Mutmwa oo meydadkooda dhawaan la helay.
Waxaan weli meel lagu ogayn Bernard Mbisi Kavingo iyo Karani Muema oo iyagana la waayay bishii 12-aad ee sanadkii hore.
Musyoka ayaa hoosta ka xarriiqay in dabayaaqadii bishii 6-aad ee sanadkii hore ay ugu yaraan 20,000 oo qof oo kenyaan ah saxiixeen codsi lagu doonaya in la soo dhiso guddi xaqiiqo raadin ah oo dabagal ku sameeya afduubyada dhacay.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay aaminsan yihiin in ururka qareennada dalka ee LSK uu mas’uuliyad iska saaro soo dhisidda guddiga xaqiiqo raadinta ah.
Mr. Musyoka ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali karin afduubyada sidaasi awgeedna ay adeegsan doonaan qaab kasta oo cadaaladda lagu xaqiijinaya.
Siyaasiyiintan oo warbaahinta la hadlay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay.