Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa Kenya iyo dowladaha kale ee Bariga Afrika ku boorriyay in aynan weligood ku tiirsanaan deeqaha shisheeye.
Waxaa uu ka falceliyay go’aankii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu meesha uga saaray taageeradii dhaqaale ee ay siin jireen Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Deborah Barasa ayaa sheegtay in ay qiimeynayaan saameynta Kenya ka soo gaari karta fulinta amarka Trump.
Hasa ahaate, Uhuru Kenyatta oo maanta hadal ka jeedinayay shirka sanadkan ee caafimaadka ee gobolka Bariga Afrika oo lagu qabanaya ismaamulka Mombasa ayaa sida uu hadalka u dhigay xusay in aan loo baahnayn in la calaacalo haddii Trump uu deeqda joojiyay.
Waxaa uu si cad u sheegay in dalalkan aynan canshuur siin dowladda Maraykanka sidaasi awgeedna aynan jirin sabab loo taageero dhaqaale ahaan.
Uhuru Kenyatta ayaa xusay in muhiimadda ay tahay in kheyraadka sida habboon loo adeegsado oo aan lagu tagriifalin.
Sidoo kale , waxaa uu ku taliyay in aan la sugin deeqaha dibadeed maadaama aynan ahayn kuwa waaraya.
Uhuru ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aanka Trump uu yahay mid loo baahan yahay in ay dowladaha Afrika ku baraarugaan si ay isugu filnaadaan.
Waxaa uu tilmaamay in ay qaaradda Afrika ka jiraan dagaallo badan oo haddii la xalliyo uu kaydsami lahaa dhaqaalaha loo adeegsanaya la tacaalidooda.