Maxkamadda Garissa oo burisay natiijadii tirakoobkii 2019 ee waqooyi bari

0
622

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Garissa ayaa go’aan ka soo saartay dacwad uu dhageysigeeda muddo socday.
Waxaa dacwaddan gudbiyay hoggaamiyaasha gobolka Waqooyi Bari oo ka soo horjeeday tiradii dadweynaha ee la diiwaangeliyay ee dowlad deegaannada Mandheera, Wajeer, iyo Gaarisa xilligii la sameynayay tirakoobkii 2019-kii waddanka ka dhacay.
Waxay maxkamaddu waxba kama jiraan ka soo qaadday natiijadaasi sababo la xiriira wax isdaba marin iyo tirakoob aan sax ahayn .
Maxkamaddu waxay ka mamnuucday hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Kenya inay isticmaalaan xogta lagu muransan yahay waxayna amartay in tirakoob cusub lagu sameeyo hal sano gudaheeda.
Tirakoobkii 2019 ayaa waxaa tirada dadka ismaamulka Garisa lagu sheegay 841,353 oo qof
Tirada dadka Wajeer waxaa lagu sheegay 781,263 oo ruux halka tirada dadka ku nool dowlad deegaanka Mandera lagu sheegay 867,457 oo qof.
Tirakoobkii qaran ee kaasi ka horreeyay ee 2009-dii waxaa tirada dadka Mandera ay ahayd in ka badan hal milyan .
Shacabka deegaanka ayaa iswaydiinayay sida ay ku dhici karto in 10 sano kadib tirada dadka Mandera ay hoos ugu dhacdo in ka badan 100,000 oo qof taasi oo sababtay in maxakamad loo gudbiyay kiis ka dhan ah shirkadda dowliga ee qaabilsan macluumaadka iyo tirooyinka ee KEBS oo sameysay tirakoobka.