Golaha ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee KMPDC ayaa walaac ka muujiyay tirada sii kordheysa ee shabakadaha intarneetka halkaasoo shakhsiyaadka aan ahayn dhakhaatiir ay iska dhigaan xirfadlayaal caafimaad iyagoo gudbinaya talo caafimaad oo faalis ah khatarna gelinaya badqabka shacabka.
Walaacan ayaa ka dhashay in ay kordheen kiisaska baaritaannada khaldan daawaynta oo daahday iyo xaaladaha caafimaad oo sii xumaada taasoo ay keentay ku tiirsanaanta macluumaadka caafimaad ee aan la xaqiijin ama duugoobay.
Hadal rasmi ah oo uu soo saaray, Dr. David G. Kariuki, oo ah madaxa fullinta ee KMPDC, ayuu ku nuuxnuuxsaday khataraha halista ah ee ay keenayaan dhaqamadan been abuurka ah.
KMPDC ayaa xusuusisay dadweynaha in sida ku qeexan qaybta 22-aad farqadeeda 3-aad ee xeerka dhakhaatiirta iyo shuruucda dalka ay sharci darro tahay in la isticmaalo cinwaanka “dhakhtar” haddii uusan qofka u diiwaan gashanayn dhakhtar ahaan ama uunan haysan shahaadooyin dhakhtarnimo oo sharci ah.
Qofkii lagu helo fal dambiyeedkan ayaa wajihi doonaa ganax lacageed oo dhan 5 milyan oo shillin ama 5 sano oo xarig ah ama labadaba.
Si loola dagaallamo kororka khiyaanada caafimaadka, KMPDC waxay ku dhiirigelinaysa dadweynaha inay hubiyaan sharcinimada dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadka ka hor inta anay isticmaalin adeegyadooda.
Golaha ayaa dadweynaha la wadaagay habka rasmiga ee lagu hubini karo arrintan iyaga oo sheegay in la isticmaali karo barta intarnetka ee cinwaanka KMPDC mise qaabka farriinta gaaban ee SMS oo lagu soo gudbin karo lambarka 20547.
Si loo xaqiijiyo dhakhtarka in uu sharciyaysan yahay, waxaad dirtaa P#magaca buuxa ee dhakhtarka ama P#lambarka diiwaagelinta.
Si loo xaqiijiyo xarun caafimaad in ay sharciyaysan tahay, waxaad dirtaa H#magaca xaruunta caafimaad ama H#lambarka diiwaangelinta.
KMPDC ayaa sidoo kale ku boorrisay saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinnada in ay ka faa’ideystaan agabkan si loo xaqiijiyo warbixin sax ah loogana hortago faafitaanka wararka been abuurka ah ee caafimaadka.