Trump oo dalab wanaagsan u soo bandhigay malaayiin shaqaale ah

0
363

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaad dhammaan shaqaalaha federaalka u soo bandhigay dalab wanaagsan, kaas oo ah in la kaabayo, gaar ahaan kuwa doonaya inaysan shaqooyinka ku soo laaban.
Tani ayaa ah tallaabo wayn oo loogu talagalay in lagu dhimo shaqaalaha dowladda Maraykanka.
Farriin email ah oo Talaadadii loo diray malaayiin shaqaale ah, ayaa maamulkiisu wuxuu u sheegay howlwadeennada inay tahay inay go’aan ka gaari karaan arrintaan ilaa 6-da bisha labaad ee Febraayo ee sanadkan inay rabaan inay qayb ka noqdaan “barnaamijka is-casilaadda”.
Haddii ay ogolaadaan inay shaqooyinkooda ka tagaan, sida ku cad qoraalka lala wadaagay ,waxaa muddo siddeed bilood ah la siin doonaa mushaarkooda iyo lacago kale.
Maamulka Trump waxaa uu rajeynayaa in boqolkiiba 10% shaqaalaha ay aqbali doonaan dalabka, ama 200,000 oo ka mid ah in ka badan labada milyan ee shaqaalaha heer federal, sida laga soo xigtay warbaahinta CBS .
Saraakiisha sare ee Maraykanka ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabadaas ay horseedi doonto in dowladda ay keydiso lacag gaareysa ilaa 100 bilyan oo doollar (£80bn).
Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaan loo soo bandhigin dalabkaas, oo ay ku jiraan shaqaalaha boostada, milatariga, saraakiisha waaxda socdaalka, iyo qaar ka mid ah saraakiisha amniga qaranka, sida ku cad farriinta emailka.