Johnson Sakaja oo qiray in nidaamka biya mareennada Nairobi uunan awood lahayn

0
308

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa qiray in nidaamka bullaacadaha ee magaalada uusan awood u lahayn inuu xamilo roobabka culus.
Sakaja ayaa xilli uu saaka wareysi gaar ah siiyay idaacadda maxalliga ee HOT96 ballan qaaday in uu wax ka qaban doono arrintan uuna wanaajin doono nidaamka biyo mareennada ee caasimadda dalka.
Waxaa uu sidoo kale walaac ka muujiyay dhaqaale la’aan isagoo dhanka kale tilmaamay waddooyinka qaar sida waddada Kipande aynan saameyn fatahaado.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu hubin doono nidaamka kala dambeynta ee aagga ganacsiga ee bartamaha Nairobi ee (CBD) ka dib markii uu amar ku bixiyay in waratada lagu celiyo dariiqyada dambe.
Amar uu soo saaray maamulka Sakaja 6-dii bishan Janaayo ayaa lagu xusay in waratada meelaha loogu talagalay ay ku ganacsan doonaan Isniinta ilaa Sabtida laga billaabo 4pm galabnimo ila 10pm habeenimo.
Sakaja ayaa carrabka ku dhuftay in uu qorshanayo si loo hubiyo waddooyiinka ay dowladda ismaamulka gacanta ku hayso ay xaaladdoodu wanaagsanaato.
Waxaa uu baaq u diray saraakiisha booliiska isaga oo ka codsaday inay taageeraan dadaallada looga hortagayo dambiilayaasha bartilmaameedsanaya kaabayaasha.