Shacabka Mwea oo walaac ka muujiyay in ay kordheen dhallinyarada derbi jiifka ah

0
291

Dadweynaha ku nool aagga Gorofani ee deegaanka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga ayaa walaac ka muujiyay in ay korortay tirada dhallinyarada derbi jiifka ah.
Waxay sheegeen in carruurtan ay isticmaalaan daroogo taasi oo saameyn ku yeelan karta amniga.
Sidoo kale , waxay saraakiisha ammaanka ku eedeyeen in aynan tallaabo ka qaadin shakhsiga dhallinyarada derbi jiifka ah ka iibiya daroogada oo ay xuseen inuu yahay qof la garanaya.

Taliyaha booliiska ee deegaanka Bariga Mwea ee ismaamulka Kirinyaga Maxamad Jarso ayaa sheegay in ay habeen iyo maalin sameeyaan roondooyin amniga lagu sugaya.