Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Deborah Barasa ayaa dhammaan waaxyaha hoos tago wasaaraddan ku amartay in ay qiimeeyaan saameynta ka dhalan karto go’aankii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in ay iskaga baxayaan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Trump ayaa sidoo kale amray in la joojiyo deeqihii lacageed ee ay xukuumadda Washington ku taageeri jirtay WHO.
Dr. Barasa ayaa hoosta ka xarriiqday in ay eegayaan culeyska soo foodsaari karo Kenya si dowladda ay siyaabo kale u adeegsato.
Hasa ahaate , waxay muujisay kalsooni ku aaddan in arrintan la xallin doono si aynan meesha uga bixin taageeradii Kenya ay ka heli jirtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Home Wararka Kenya Kenya oo qiimeynaysa saameynta ka dhalan karto tallaabada uu Maraykanka ku joojiyay...