Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka oo ka tirsan aqalka senate-ka ayaa hor istaagay in la ansixiyo sharci cunaqabatayn oo ka dhan ah maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee (ICC).
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamaddu soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Qaza.
Codeyntii shalay ka dhacday aqalka sare ee Maraykanka ayaa la arkay in hindise sharciyeedka uu helay 54 cod halka 45 ay ka soo horjeesteen, isagoo hoos uga dhacay 60 cod oo loo baahnaa si loogu gudbo codeynta ugu dambeysa.
Khubarada Qaramada Midoobay, saraakiisha Yurub, iyo madaxda hadda iyo kuwii hore ee guddiga maamulka ICC ayaa dhammaantood ka soo horjeestay sharciga.
Waxaa ay ka digeen in uu dhigayo tallaabo khatar ah xilli ay muhiimad sii kordhayso u leedahay nidaamka sharciga caalamiga ah.
Laakiin qaar badan oo ka mid ah Dimuqraadiyiinta oo u codeeyay tallaabadan ayaa wali ku eedeeyay maxkamadda inay qaaday tallaabooyin aan caddaalad ahayn oo ka dhan ah Israa’iil iyada soo saartay amarro ka dhan ah Netanyahu iyo Gallant.
Maxkamadda ayaa si isku mar soo saartay amarro lagu soo xiraayo taliyaha Xamas Moxammed Deif oo ay sheegtay in uu door ku lahaa weerarkii 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkii 2023-kii ee ka dhanka ahaa Israa’iil.