Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ,Karim Khan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo caalami ah oo lagula tacaalaya gabood-fallada sii socda ee ka taagan gobolka Daarfuur ee Galbeedka Suudaan.
Waxaa uu golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC uu waydiistay taageero dheeraad ah oo la xiriirta in kooxaha xadgudubyada gaysanaya lagula xisaabtamo falalkooda.
Waxaa uu sawir aan wanaagsanayn ka bixiyay xaaladda Daarfuur isagoo xusay in shaqaaqooyinka , baahida iyo falal dambiyeediyada jinsiyadeed ay sii burburinayaan bulshooyinka si gaar ahna loo bartilmaameedsanaya haweenka iyo carruurta.
Dagaalka soo billowday bishii Afaraad ee sanadkii 2023-kii ee u dhexeeya ciidamada militariga ee Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 28,000 qof halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.