Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Ogamba ayaa shaaciyay in saddexdii bilood ee ugu dambeysay ay dowladdu dhistay in ka badan 14,000 oo fasallo ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in fasalladan ay adeegsan doonaan ardayda dhameeyay dugsiga hoose dhexe ee u gudbaya fasallada hoose ee dugsiga sare ee (JSS).
Arrintan ayuu maanta ka sheegay dugsiga hoose dhexe ee Uthiru ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu wasiirka xusay in ay hadda diyaar yihiin 14,500 oo ka mid ah 16,000 oo ah fasallada loogu talagalay in ay isticmaalaan ardayda maraya heerka waxbarashada ee Grade 9.
Wasiir Ogamba ayaa intaasi ku daray in wasaaradda tacliinta ay qorsheynaysa in ay dugsiyada JSS ka hirgeliso 1,600 oo ah shaybaarrada ardayda lagu baro culuunta ficilka ah ee maadooyinka sayniska.