William Kabogo oo beeniyay eedeynta ah in lagu soo magacaabay wada hadal u dhexeeyay Kenyatta iyo Ruto

0
341

William Kabogo oo ah wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Tiknolojiyadda iyo Dhaqaalaha casriga ah ayaa sheegay inuu hubo boqolkiiba boqol in soo magacaabistiisa aysan la xiriirin booqashadii bishii Diseembar ee sanadkii hore uu madaxweynaha dalka William Ruto ku tagay hooyga madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ee deegaanka Gatundu ee ismaamulka Kiambu.
Kulankan oo dhacay 9-kii bishii 12-aad ee 2024-kii ayuu Ruto ku booqday Kenyatta waxaa uuna la yeeshay wada tashi ku saabsan horumarinta midnimada qaranka iyo wax ka qabashada caqabadda qabyaaladda.
Wax ka yar 10 maalmood ka dib kulankaasi, hoggaamiyaha qaranka William Ruto ayaa u magacaabay William Kabogo, Mutahi Kagwe iyo Lee Kinyanjui oo ah xulafada Mr. Kenyatta xilal wasiirnimo.
Kabogo ayaa si kastaba ha ahaatee, ku tilmaamay hadalka ah in magacaabistiisa ay ka dhalatay shirkii ka dhacay Gatundu mid xan ah.
Kabogo ayaa intaasi ku daray in ay muddo ka soo wareegtay markii ugu dambeysay oo uu la hadlay madaxweynihii hore ee dalka.