Labo qof oo loo xiray in ay iska dhigayeen saraakiisha guddiga EACC

0
132

Saraakiisha dambi baarista ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo kala ah nin iyo haweeney.
Sharon Nanjala Anyango iyo Tobias Singila Wekesa ayaa iska dhigayay saraakiisha ugu sareeysa guddiga EACC iyagoo ku andacoonayay in ay joojin karaan kiisaska musuqmaasuqa ee socda si ay xeeladdaasi lacag ugu helaan.
Ms Anyango oo 26 sano jir ah ayaa iska dhigtay agaasime sare ee EACC oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi halka Mr. Wekesa oo ah 23 sano jir uu iska dhigay inuu yahay agaasimaha mas’uulka ka ah xafiiska EACC ee ismaamulka Kakamega taasi oo waxba kama jiraan ah.
Sida laga soo xigtay EACC-da ,labadan qof ayaa lagu xiray xafiiska sanduuqa horumarinta degmooyinka ee Bungoma iyagoo lacag baad ah ka qaadanaya sarkaal sare oo ka tirsan dowladda.
Waxaa la sheegay in ay u ballan qaadeen sarkaalkaasi inay meesha ka saarayaan kiis musuqmaasuq ah oo asaga ka dhan ah.
Dhacdo tan la mid ah ayaa la soo tabiyay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay xilligaasi oo ay EACC xirtay nin iska dhigayay kaaliyaha agaasimaha howlaha sirdoonka ee guddiga.
Kennedy Ochieng Agutu ayaa laga soo qabtay xaafadda South C ee magaalada Nairobi.
Waxaa la sheegay in lacag malaayiin shilin ah uu ka qaadan jiray dhibbanayaal aan ka shakin oo ay ku jiraan madaxda sare ee gobolka.
Sida laga soo xigtay kooxda dabagalka ku sameyso dambiyada, Mr .Agutu ayaa u tagi jiray dhibbanayaashiisa isaga oo iska dhigaya in uu baaraya musuqmaasuqa iyaga khuseeya ka dibna waxaa uu waydiisan jiray madax furasho aad u badan .
Dembi baarayaasha ayaa sheegay in ay ku heleen kaadhka aqoonsiga shaqaalaha ee EACC oo been abuur ah iyo kan hay’ad lagu magacaabo Kenya Network Against Corruption.
2024 oo kaliya, EACC waxay sheegtay in ay diiwaan galisay in ka badan 350 kiis oo dambi baadhayaal been abuur ah oo Kenyaanka dhibaateeyay iyaga oo iska dhigaya saraakiisha wakaallada ama hay’adaha kale ee fulinta sharciga oo gudanaya waajibaad rasmi ah.
Waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah dadka been abuurka ah, gaar ahaan degmooyinka Kakamega, Bungoma iyo Busia, ay xitaa sameeyeen xafiisyo been abuur ah oo EACC ah halkaas oo ay lacago uga qaadaan adeegyada.