Saraakiisha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Kirinyaga ayaa soo badbaadiyay ilmo yar oo 14 bilood dhallan oo toddobaadkii hore laga waayay deegaanka Kingombe ka dib markii la sheegay in uu xaday qof ay qaraabo yihiin.
Booliiska deegaanka ayaa markii dambe gacanta ku dhigay tuhmanaha ugu weyn ee ka dambeeyay falkan.
Dambi baarayaasha ayaa sheegay in tuhmanaha looga daba tagay aagga tuuladda Kimbi kaddibna loo kaxeeyay saldhigga booliiska ee Kutus halkaasoo xubnaha qoysku ay ku kulmeen oo ay isku afgarteen in la iska cafiyo.
Canugan yar ayaa la waayay shan maalmood ka hor ka dib markii hooyadeed Mary Njoki ay uga tagtay wiil ay eeddo u tahay una kacday magaalada Kiangothe.
Arrintan ayay isla maalintaasi ay ku wargelisay saldhigga booliiska Kutus.
Ilmaha yar ayaa si nabad ah looga soo badbaadiyay goobtii lagu hayay isaga oo wax dhaawac ah aan qabin.