Xafiiska warfaafinta ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 300,000 oo ruux oo Falastiiniyiin ah ay dib ugu laabteen Waqooyiga Marinka Qaza oo ay horay uga barakaceen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaramada midoobay ay soo saartay digniin ah in baahida jirta ay aad u wayn tahay.
Sidoo kale , khuburrada jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in duullaanka militari ee ay Israa’iil weli ka wado Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin uu u muuqdo mid aan dhammaad lahayn.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa ay Israa’iil gudaha Qaza ku dishay in ka badan 47,317 oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 111,494 kale.