Darawal ku dhaawacmay shil ka dhacay Kirinyaga

0
207

Waxaa la xaqiijiyay in hal ruux uu dhaawac soo gaaray ka dib markii baabuur qaad siday uu ku dhacay guri la dhisayay aagga Kianjang’a ee waddada u dhexeysa Baricho-Kiburu oo ka tirsan degmada Ndia ee ismaamulka Kirinyaga .
Taliyaha booliiska ee deegaanka Galbeedka Kirinyaga Moses Koskei ayaa xaqiijiyay in qofka dhaawacmay uu yahay wadihii baabuurka.
Gaariga ayaa si xowli ah loo kaxeynayay markii ay arrintan dhaceysay.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in darawalka la geeyay xarunta caafimaadka ee Baricho Health Centre ka dib markii uu ka cawday xanuun dhanka xawadka ah.
Ann Njeri oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in wadaha uu baabuurka xakameyn waayay xilli uu isku dayayey inuu ka leexdo gaari ku soo wajahnaa.
Moses Koskei, taliyaha booliiska ee galbeedka Kirinyaga ayaa xusay in xaaladda caafimaad ee darawalka ay hadda wanaagsan tahay oo uu farriin ka qoray saldhigga booliiska ee Sagana .
Koskei ayaa digniin adag u diray wadayaasha baabuurta qaadka gudbiya wuxuuna ku boorriyay in ay u hoggaansamaan xeerarka taraafikada.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in baabuurka burburay loo jiiday saldhigga booliiska ee Sagana iyadoo ay socdaan baaritaanno dhacdadaasi la xiriira.