Guddoomiyaha ismaamulka Tharaka Nithi, Muthomi Njuki ayaa siyaasiyiinta gobolka bartamaha dalka ku boorriyay in aynan waqti xaadirkan ku mashquulin in la aasaaso xisbiyo cusub ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-da.
Waxaa uu sheegay in hadda loo baahan yahay in diiradda la saaro u adeegidda shacabka.
Muthomi ayaa sidoo kale xusay in la joogo waqtigii dowladda talada haysa lagula xisaabtami lahaa fulinta mashaariicdii horumarineed ee ay dadweynaha u ballan qaadday.
Barasaabka Tharaka Nithi ayaa ku taliyay in maamulka Kenya Kwanza la siiyo fursad uu ugu adeego kenyaanka si marka la gaaro 2027 uunan qiil uga dhigan in waxqabadkiisa la carqaladeeyay.